UN oo Trump uga digtay inuu faraha la galo dagaalka Israa’iil iyo Falastiin

16-ka Feb. 2017

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres ayaa sheegaya inaysan jiran waddo kale oo lagu xallin karo qalalaasaha Israa’iil iyo falastiin, aan ka ahayn inay laba dal oo deris ah noqdaan.

Hadalkaasi Qaramada Midoobey ayaa imaaday ka dib markii Trump uu ka baxay siyaasaddii Mareykanka ee tobannaanka sano ku wajahneyd qalalaasaha Israa’iil iyo Falastiin.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka, wuxuu sheegay inuu taageerayo qaabkastoo nabad lagu heli karo.

Hogaamiyayaasha Falastiiniyiinta waxay sheegayaan inay jirto cabsi ah in Trump uu ka noqdo taageerada Mareykanka ee ah inay dal noqdaan Israa’iil iyo Falastiin.

Wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin wuxuu fashilmay 2014-kii.

Trump oo shir saxaafadeed ay isla qabteen Benjamin Netanyahu, wuxuu madaxweynaha Mareykanka ku ballan qaaday inuu heshiis weyn oo nabadeed uu keeni doono labada dhinac.

Wuxuu sheegay inay waajib tahay in labada dhan ay isu tanaasulaan.

“Hadaba waxaan eegayaa arrinta ah inay laba dal noqdaan iyo hal dal oo keli ah inay noqdaan,” ayuu yiri.

“Aniga waxaan jeclahay midka labada dhinac ay ku heshiiyaan ee ay jecel yihiin.”

Hadalkaasi ka dib, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Antonio Guterres, wuxuu beesha caalamka ka dalbaday inay wixii ay awoodaan sameeyaan si loo helo xalka ah in laba dal oo deris ah ay noqdaan israa’iil iyo Falastiin.

Falastiiniyiinta waxay ka cabanayaan Israa'iil oo guryahooda ka saartayLahaanshaha sawirka EPA Falastiiniyiinta waxay ka cabanayaan Israa’iil oo guryahooda ka saartay

Wuxuu tilmaamay inaysan jiran tallaabo kale oo lagu xalliyo qalalaasaha labada dhinac u dhexeeya.

– BBC Somali

Leave a Reply