Arbacadan, 8-da Febraayo Waxaa La Hakiyay Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Ee Aadan Cabdulle Cusmaan

6-da Febraayo 2017

Muqdisho – Warar laga soo diray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho aa waxey sheegayaan in maalinta Arbacada ah la hakiyay Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Ee Aadan Cabdulle Cusmaan Ee Muqdisho, sida Wakaalada Wararka Soomaaliya ee SONNA ay kasoo xigatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista ee Dowladda Soomaaliya ee xiligeeda dhamaaday Cali Axmed Jaamac Jangali.

SONNA waxey warkeeda ku dartay in hakadka duulimaadyada ay ugu wacan tahay Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka dhaceyso meel aan sidaa uga fogeyn Garoonka Diyaaradaha Caalamiga; maalinimada Arbacada oo ay bishan tahay 8-da Febraayo.

Wixii war ah ee soo kordho, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (The Great Banadir Media).

Leave a Reply