Koobka Qaramada Afrika oo shalay si rasmi ah uga furmay Dalka Gabon

15-ta Janayo 2017

Waxaa Dalka Gabon shalay ka billowday tartanka Koobka Qaramada Afrika oo ah tartanka ugu weyn ee ay isaga hor yimaadaan Qaramada Qaarada Africa.

Tartankaan Qaarada Africa waxaa sanadkaan martigelinaya Dalka Gabon, Kulankii ugu horaysay ee tartanka waxaa lagu furay dalalka dalka Guini-Bissau iyo Dalka Gabon waxaa lagu tilmaamay inay ka mid yihiin kooxaha ugu liita ee ka qeybgelaya tartankan.

Tartankaan ayaa wuxuu qorshuhu ahaa in sanadkaan lagu qabto dalka Liibiya, balse dagaalada ka socda dalkaasi dartood ayaa qasbay in loo wareejiyo dalka Gabon.

Macalinka Xulka dalka Gabon Jose Antonio Camacho ayaa sheegay in Tartankan dhammaan kooxuhu way adag yihiin, isagoo sheegay inay ku dagaalamayaan ciddiyaha iyo ilkaha.

Dhanka kale labadaan xul ayaa kulankooda ugu horeeyay wuxuu ku soo gabagaboobay 1-1 oo ay isla dhaafi waayeen, sidoo kulankii labaad oo xalay la ciyaaray ayaa waxaa isaga horyimid Xulalka Burkina Faso iyo Cameroon oo iyana barbaro ku kala baxay oo 1-1 ah, iyadoo caawa ay ciyaarayaan xulalka Tunisia Vs. Senegal iyo Algeria Vs. Zimbabwe.

– Somali Wayn

Leave a Reply