Faah-faahino kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha (Sawiro)

2-da Janaayo 2017

qarax-4-1Muqdisho – Labo qarax oo waaweyn ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxyadan ay ka dhaceen meel ku dhow garoonka diyaaradaha iyo xarunta Xalane ee sida weyn loo ilaaliyo.

Qaraxyada oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dhawaaqa qaraxyada ayaa duhurnimadii  maanta laga maqlay qeybo badan oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qaraxyada ayaa sheegaya in ay ka dhaceen meel ku dhow albaabka Madiino Gate ee laga galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Bartilmaameydka qaraxa ayaa lagu sheegayaa inuu ahaa hotel Peace oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha, waxaana hotelka sanadkii hore lagu qabtay shirkii madaxda urur goboleedka IGAD. Hotelkan ayaa waxaa xiligaas ku sugnaa ajaaniib iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka. Hase yeeshee afhayeen u hadlay maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka badbaadeen dadkii ku sugnaa gudaha Hotelka qaraxan,

Waxaa adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay weerarka qaraxa, laakiin waxaa soo baxaya inuu jiro burbur hantiyadeed oo aad u badan. Wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan toban ruux ay ku dhinteen qaraxan tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyeed ayaa sheegaya in waxyeelada ugu badan ay soo gaaray ciidamadda ku sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay. Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale la sheegayaa inay waxyeelo kasoo gaartay qaraxyada maanta dhacay.

Qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ah kii ugu horeeyay sanadkan cusub 2017, hase yeeshee 26kii bishii July ee sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa qarax ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa lagu soo raray uu ka dhacay  meel ku dhow albaabka xerada Xalane.

Masuuliyada qaraxa waxaa sheegtay Al-shabaab, waxaana ay sheegeen iney qaraxaasi ay ku dileen ciidamo badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib. Shabakadaha taageera ururka Alshabaab ayaa daabacay mas’uuliyada qaraxa.

Xigasho: Jowhar Media

 

qarax-6

qarax

Leave a Reply