Amniga magaalooyiinka dalalka reer galbeedka oo la adkeeyay

31-da Disember, 2016

Amniga magaalooyiinka waaweyn ee dalalka Reer galbeedka ayaa aad loo adkeeyay ka hor munaasabadaha sanadka cusub.

_93188950_cec10a5e-63c4-4ee6-8a7b-f182f14209fbArrintan ayaa sabab u ah weerarkii gaariga xamuulka loo adeegsaday ee lagu qaaday Berlin, kaas oo 12 qof ay ku dhinteen.

Kumannaan ciidamo dheeraad ah ayaa ku sugnaanaya meel kastaa shacab ay isugu soo bixi doonaan.

Ninkii loo haystay weerarkii suuqa Berlin oo la soo daayay

Nin Soomaali ah oo loo xiray dil ka dib weerar ka dhacay bartamaha London

Waxay tallaabo ka qaadi doonaan, waxkastoo looga shakiyo argagixiso, sida ay saraakiisha dalalkaasi sheegayaan.

Magaalooyiinka amnigooda la adkeeyay waxaa ka mid ah, London, Berlin, Brussels iyo Sydney.

Si looga hortago weerarada gawaarida loo adeegsado, waxaa la sameeyay jid-gooyooyiin waaweyn.

Wadooyiinka qaar waxaa la dhigayaa qalab culus oo gawaarida aysan ka gudbi karin.

Waxyaabo qarxa oo laga helay New Jersey ee Maraykanka

Saameynta uu leeyahay Sheekh Zakir Naik

Bartamaha Paris oo ay isugu tagi doonaan kumannaan qof oo dabaaldegaya, waxaa la xirayaa dhammaan meelaha laga galo, sida laamaha amniga ay sheegayaan.

Amniga magaalooyiinka Madrid iyo New York ayaa sidoo kale la adkeyn doonaa.

Meelaha qaar waxaa la joojiyay qarxinta baaruudda la adeegsado xilliyada dabaaldegyada.

– BBC Somali

Leave a Reply