Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la dhaarinayo

27-da Disember, 2016

_93146434_whatsappimage2016-12-27at08-56-06

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka socoto dugsiga sare ee booliiska “Jeneraal Kaahiye” ee magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in la dhaariyo ku dhowaad 243 Xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka.

Diyaargarowga dhaarinta xildhibaanadaALAMY
Diyaargarowga dhaarinta xildhibaanada

Dhaarinta xildhibaanada kaddib ayaa la filayaa in baarlamanka cusub uu yeesho kalfadhigiisa ugu horeeyay, si ay xubnaha baarla,maanka isaga dhexdoortaaan guddoon ku meel gaar ah oo lagu wado inuu noqdo qofka ugu da’da weyn, kaaso hoggaamin doona baarlamaanka ilaa iyo inta laga dooranyo guddoon rasmi ah.

QM: Faragelin ayaa lagu hayaa doorashada Soomaaliya

Geedi-socodka cakiran ee doorashada Soomaaliya

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah. Ciidammada ammaanka oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu arkay waddooyin ka baxsan halka ay ka dhaceyso munaasabada.

Baarlamaankan oo ah kii 10-aad ayaa lagu wadaa inuu wakhti u qabto doorashada madaxweynaha oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Baarlamaankan oo ah kii 10-aad ayaa lagu wadaa inuu wakhti u qabto doorashada madaxweynaha oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Daawo: ‘Musuq iyo handadaad’ hareeyay doorashada Soomaaliya

Leave a Reply