Maamulka Baarlamaanka oo shaaciyay in Xildhibaanada la dhaarin doono maalinta Talaadada

24-ta Disheember, 2016

dhaarinta-xildhibaanada-cusubMuqdisho – Maamulka Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay sheegeen in munaasabadda dhaarinta ee Xildhibaanada Labada Aqalka, ay qabsoomi doonto maalinta Talaadada, oo taariikhduna ay ku beegan tahay 27-ka bishan.

C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka oo la hadlay Warbaahinta, ayaa shaaciyay in Xildhibaanada lagu dhaarin doono Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye.

“Si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee Guddiga Heer Federaal Doorashooyinka Dadban ee 2016 ku soo saaray natiijada Xildhibaanada ku guuleystay xubinnimada Labada Aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaanada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono Xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Xoghayaha.

Xoghayaha, ayaa intaa ku daray in dhaarinta ay bilaaban doonto 9-ka subaxnimo ee maalinta Talaadada, Xildhibaanadana looga baahan yahay in ay waqtiga dhawraan.

Buux, ayaa sidoo kale Xildhibaanada ku wargeliyay in ay horey u soo qaataan kaararkooda aqoonsiga, si ay goor hore ugu suurta-gasho qabsoomidda xafladda dhaarinta. – Universal Somali TV

Leave a Reply