Ruushka oo u diray Turkiga koox baaritaaan ku sameeya dilkii Safiirkooda

20-ka Disheembere, 2016

Xukuumadda Ruushka ayaa sheegtay inay koox baarayaal u direen dalka Turkiga, kaddib markii xalay la dilay Safiirkoodii u joogay magaalada Ankara.

1482168798_860330_1482172592_noticiarelacionadaprincipal_normal_recorte1-1Mevlut Mert Aydintas oo ahaa 22 jir ka tirsanaa ciidamada booliska Turkiga ayaa toogtay Amb. Andrei Karlov, xilli uu khudbad ka jeediyay madxaf lagu soo bandhigayay farshaxanka.

Ninkan ayaa fasax ku maqnaa, waxaana la baarayaa qaabka ay ugu suurta gashay inuu tago goobta uu ku dilay Safiirka, isagoo iska dhigayay Ilaalada Safiirka.

Baarayaasha Ruushka ayaa durbaba maanta tagay magaalada Ankara, waxay wada shaqeyn doonaan Baarayaasha Turkiga.

Receb Tayyib Erdogan ayaa sheegay in weerarkan la doonayay in lagu dhaawaco xiriirka labada dal, isagoo khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa Ruushka Vladamir Putin.

Ma jirto illaa iyo hada koox sheegatay dilkan, hase ahaatee ninka dilka geystay ayaa ku qeylinaya erayo Allaahu Akbar iyo erayo uu uga hadlayo xasuuqa iyo gumaadka lagu haayo shacabka magaalada Xalab.

safiir-toogasho2

Safiirka Ruushka Andrei Karlov waxaa gadaashiis taagan ninka toogtay, waana sababta keentay baaritaanka lagu sameynayo kiiskan

Safiirka Ruushka Andrei Karlov waxaa gadaashiis taagan ninka toogtay, waana sababta keentay baaritaanka lagu sameynayo kiiskan

– Jowhar Media

Leave a Reply