Sawiro: In ka badan 10 ruux oo ku geeriyooday qaraxii nawaaxiga Dekedda

11-da Disheembere, 2016

Muqdisho – In ka badan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax weyn oo saaka ka dhacay banaanka hore ee Dekedda Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow xarun Boolis oo lagu qaado canshuuraha barriga.

d7-768x576Qaraxa ayaa dhacay xilliga ugu mashquulka badan Dekedda oo ay shaqaalaha muruq maalka ay isu diyaarinayeen inay shaqada galaan.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ahaa banaanka xarunta booliska ayaa aheyd meel subaxdii ay dadka ku qaxweeyaan, waxaana dadka ku dhintay u badnaa shaqaalaha muruq maalka iyo haween shaah ku iibinayay.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ahaa gaari xamuul oo xalay la dhigay meel banaan ah oo ka soo hor-jeeda saldhiga booliska ee canshuuraha barriga.

Geedaha badan ee ku yiil ka soo horjeedka albaabka weyn ee laga galo dekadda ayaa dad badani ku dhinteen .

Dadka dhintay waxaa ay u badan yihiin rayid, waxaase ku jira askar ka tirsan kuwa booliska oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dadkii ku qaxweynayay geedaha hoostooda.

Taliyaha Hoggaanka Booliska ee Ilaalinta Canshuuraha Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in qaraxan bartilmaameedkiisa uu ahaa dadka shacabka, gaar ahaan muruq maalka dekedda oo aroor walba ku qaxweeya banaanka Dekedda.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa gebi ahaanba la hakiyay dhaq dhaqaaqii Dekedda Muqdisho, sidoo kale ciidamo isugu jira Booliska iyo kuwa AMISOM ayaa xiray wadada hor-marta Dekedda. – Jowhar Media

oooooooooooooooooollllllllllllllld7-768x576d6-768x576d1

geedaha

Leave a Reply