Iska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Sh.Hoose

9-ka Disheembere, 2016

Shalaanbood – Wararka laga helayo Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Degaanka Shalaanbood uu iska horimaad xoogan uu ku dhexmray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

870fef8b-90f5-44ca-ae01-5fcef2166db2_w640_r1_s_cx0_cy9_cw100-620x330-1-696x456Iska horimaadkan ka dhacay Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh.Hoose ku ayaa sida la sheegayo waxaa ku dhintay ugu yaraan labo Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ilo wareedyo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa tilmmaamay in iska horimaadka uu yimid kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Saraakiisha Ciidamada Guutada 3-aad ee Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ku dagaalamay Degaanka Shalaanbood ayaa lagu soo waramayaa in uu hogaamiyo Sarkaal lagu magacaabo Xasan Jaamici.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in labo Askari ay isku Dileen Degaanka balse ilo wareeedyo ayaa tibaaxaya in iska horimaad uu halkaasi ka dhacay.

Ugu dambeyn, Xiisad u dhaxeysa labada ciidan ayaa Caawa ka taagan qeybo ka mid ah Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh.Hoose.

– Shabelle Media Network

Leave a Reply