Degmada Bula-burte oo laga soo sheegayo xaalad nolol xumo oo ka jirto iyo dad ku dhintay

8da Disheember, 2016

bulaburdeBaledweyne – Wararka naga soo gaarayo degmada Bula-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegayo in uu halkaa ka dilaacay cudurka shuban biyoodka oo inta la ogyahay aay u geeriyooden 17 ruux oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn.

Mas’uul u hadlay maamulka degmada ayaa warbaahinta u sheegay wali degmada qeybo ka mid ah wali go’adoon ku jirto, saamey adag ku yeelatay dadka dan yarta ah ee aan awoodin ay adeegsadaan diyaaradaha ama duulimaadyada halkaa taga.

Dadka cudurkan u dhintay ayaa la leeyahay waxaa u badan caruur iyo dad waayeel ah kuwaa oo waayay daryeelkii caafimaad oo ay u baahnaayeen ka wayay deganada aay ku suganyihiin.

Mas’uulkan ayaa ugu baaqay dowladda dhexe, maamulka gobolka Hiiraan iyo hay’addaha caaalamiga ah u soo gurmadaan dadka ku dhaqan degmada iyo deegaannada hoostaga.

Ilaa iyo hada ma ka hadlin maamulka gobolka Hiiraan cabashada ka soo yereeyso degmada Bula-burte ee gobolka Hiiraan. – Hiiraan Xog

Leave a Reply