Shir Muqdisho Uga Furmayo Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Kuwo Lagu Sheego ‘Wasiirada Arimaha Gudaha Ee Dowlad Goboleedyada’

4ta Disheember, 2016

CONSPIRACY, INC: 'Right now we're looking for the cryptic message in E.I.E.I. O.'

Muqdisho – War laga soo diray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda ee Soomaaliya ee Muqdisho aa wuxuu sheegayaa in uu Muqdisho uu shir uga furmayo Wasiirka Arimaha Gudaha ee xiligiisa dhamaaday Cabdiraxmaan Maxamed Xuseyn Odawaa iyo kuwa lagu sheego ‘Wasiirada Arimaha Gudaha Ee Dowlad Goboleedyada’.

Arimaha looga hadlayo waxaa kamid Dhismaha Dowladaha Hoose, waxaana markii ugu horeysay ka-qeybgelayo Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseyn Jimcaale.

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ay ka koobneed 8 Gobol markii ay abuurantay 1-dii Luuliyo sanadkii 1960-kii. Markaasi waxaa Habka Federaaliga u ololeyn jiray Shiikh Cali Jimcaale Baraaye, Cabdulqaadir Soobe, iyo Xaaji Baraako oo aad loo mucaaradi jiray.

Waxaa xegtay in Taliyehii Xooga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, isagoo kaashanayo Saraakiil katirsan Ciidamada Xooga Dalka uu Taladii Dalka Soomaaliya uu xoog kula wareego tariikhda markey aheyd 21-kii Oktoobar sanadkii 1969-kii.

Sanadkii 1971-dii waxaa uu bilaabay in Gobolkii Banaadir uu u kala qeybiyo 3 gobol, isagoo ka kala dhigay Shabeelaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe.

Kala qeybinta gobolada waa uu sii wadoo, ilaa uu ka gaarsiiyo 18 Gobol oo kusii saleeyay qabiil. Gobolka keliya ee uusan kala qeybin waxaa uu ahaa Gobolka Hiiraan.

Hadabo halkii uu Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday ee Dowladda Soomaaiya Xasan Shiikh Maxamuud uu dib u sixi lahaa qaladaadkaasi, ayuu hada sii sharciyeeyay qaladaadkii Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre iyo kuwii taageeri jirayba.

Sidee bey marka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay dib ugu istaagi kartaa, iyadoo aanan dib loo sixin qaladaadkaasi?

Kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (The Great Banadir Media), wixii war ah ee kusoo kordho.

Leave a Reply