Ciidamo kuwa DF ka tirsan oo Shacab ku rasaaseeyay Muqdisho

images-696x521Muqdisho – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dad Shacab ah ku rasaaseeyay Nawaaxiga Miisaanka Dhuxusha o ka tirsan Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid.

Goob Joogayaal ayaa Xaqiijiyay Ciidamo kuwa dowladda Federaalka ka tirsan oo fariisin ku leh Miisaanka Dhuxusha Towfiiq ay Tacshiirad huwiyeen Dad shacab ah.

Dadka Shacabka ah ee la rasaaseeyay ayaa la socday Gaari nuuca Rakaabka ah ee loo yaqaanno Homey.

Ugu yaraan 4 qof oo midi Haweeney tahay ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen rasaastaasi.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Yaaqshid oo  Shabelle  ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in ay ka warbixiyaan rasaasta Ciidamada dowladdu huwiyeen dadkaasi Rayidka ah .

Waxaa Muqdisho beryihii dambe ku soo kordhayay Rasaasta aan loo meel dayin ee Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya shacabka ay la beegsadaan. – Shabelle Media Network

Leave a Reply