Cadaado Waxaa Ka Bilowday Xildhibaano Loo Soo Xulayo Madaxweynaha Xiligiisa Dhamaaday Ee Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh

CONSPIRACY, INC: 'Right now we're looking for the cryptic message in E.I.E.I. O.'

Cadaado – Magaalada Caadaado oo kamid Magaalooyinkii Gobolkii Mudug markii ay Soomaaliya Jamhuuriyad noqotay 1-dii Luuliyo, sanadkii 1960kii; aa waxaa laga soo sheegayaa in maanta laga bilaabay doorasho lagu soo xulayo Xildhibaanadii dooran lahaa Madaxweynaha Xiligiisa Dhamaaday ee Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte.

Ilaa iyo hada waxaa lasoo xulay seddexda soo socoto:

  1. Mahad Maxamed Salaad,
  2. Siciid Nuur Qeyliye (Giriish),
  3. Qaasim Maxamed Jaamac.

10-kii Sebtember, sanadkii 2012-dii ay aheyd markii Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana markaasi u suurta geliyay Guddoomiyehii Guddiga Doorashooyinka Prof. Xiireey oo markaasi kaashanayay Guddoomiyehii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari .

Hada waxaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ah Dr. Cumar Cabdulle Dhegey, waxaana soo xushay Madaxweynaha Xiligiisa Dhamaaday ee Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Garguurte. Weydiinta waxey tahay: maxaa kasoo bixi karo doorashada?

– Nin dooran, doorta xaad u tireen! Dadkana xaad u dembaajiseen?, uu yiri ninkii shirbayay markii uu arkay doorashadii uu sameystay Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1979-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada lasoo xulanayo ee hada harsan, waxaanu kusoo qaadan doonaa wararka dambe.

Kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (The Great Banadir Media), wixii war ah ee soo kordho.

Leave a Reply