Murashixiin Laga Soo Sheegayo Magaalada Jowhar

corrupt-electionJowhar (Banaadir Weyne) – Magaalada Jowhar oo hada Magaalo Madax u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe, magaalo ahaana katirsan Gobolkii Banaadir ee ka koobmay Shabeelaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe, aa laga soo sheegayaa in maanta looga dhawaaqay 21 xubnood oo 8 kamid ahi la doonayo iney kamid noqdaan waxa loogu magac-daray “Aqalka Sare ee Hir+Shabelle”; si markasi ay u dhameystiraan codadkii uu doorashada uga baahnaa Madaxweynaha Dowaldda Soomaaliya ee Waqtigiisa Dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte.

Magacyada 21 xubnood ee maanta la shaaciyay waa kuwa soo socdo:

1. Maryan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen

2. Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud, Fartuun C/dir Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Dayib Axmed

3. Maxamed Cismaan Faarax (Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi

4. Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey, Cismaan Mocow iyo Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.

5. Maxamed Amiin Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi

6. Muuse Xasan Yalaxow (Muusesuudi) iyo Xasan Cali Caadle

7. Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur
8. Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle.

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ay ka koobneed 8 Gobol markii ay abuurantay 1-dii Luuliyo sanadkii 1960-kii. Markaasi waxaa Habka Federaaliga u ololeyn jiray Shiikh Cali Jimcaale Baraaye, Cabdulqaadir Soobe, iyo Xaaji Baraako oo aad loo mucaaradi jiray.

Waxaa xegtay in Taliyehii Xooga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, isagoo kaashanayo Saraakiil katirsan Ciidamada Xooga Dalka uu Taladii Dalka Soomaaliya uu xoog kula wareego tariikhda markey aheyd 21-kii Oktoobar sanadkii 1969-kii.

Sanadkii 1971-dii waxaa uu bilaabay in Gobolkii Banaadir uu u kala qeybiyo 3 gobol, isagoo ka kala dhigay Shabeelaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe.

Kala qeybinta gobolada waa uu sii wadoo, ilaa uu ka gaarsiiyo 18 Gobol oo kusii saleeyay qabiil. Gobolka keliya ee uusan kala qeybin waxaa uu ahaa Gobolka Hiiraan.

Hadabo halkii uu Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday ee Dowladda Soomaaiya Xasan Shiikh Maxamuud uu dib u sixi lahaa qaladaadkaasi, ayuu hada sii sharciyeeyay qaladaadkii Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre iyo kuwii taageeri jirayba.

Sidee bey marka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay dib ugu istaagi kartaa, iyadoo aanan dib loo sixin qaladaadkaasi?

Kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (The Great Banadir), wixii war ah ee soo kordho.

Leave a Reply