Xildhibaano Maanta Loo Soo Xulay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Ee Waqtigiisa Dhamaaday

xildhibanjowh-3Jowhar – War laga soo diray Magaalada Jowhar waxaa uu sheegayaa in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ee Waqtigiisa Dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte maanta loo soo xulay Xildhibaanadii uu ka diyaarsaday ’Dowlad Goboleedka’ loo magac-daray ”HirShabeelle”.

Shalay ay eheed markii uu Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Yaxya Cali Ibraaim uu lahaa ”Ha lasoo dedejiyo Xildhibaanadii dooro lahaay Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte”.

Sanadkii 1979-kii waxaa Dalka Soomaaliya laga diyaariyay doorasho uu soo diyaarsaday Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, waxaana lawada dareensanaa inuu kelitaliyaha xoog kusii haaysan doono Dalka Soomaaliya.

Markaa waxaa lagu shirbay:

– Nin Dooran, Doorta Xaad U Tireen, Dadkana Xaad U Dembaajiseen.

Saansaanta Doorashada hada la sheegayo waxey u dhigantaa mid lamid ah tii Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre ee sanadkii 1979-kii.

Wixii war ah ee soo kordho, kala socda Wrbaahinta Banaadir Weyne (The Great Banaadir).

Leave a Reply