Warar Dheeraad ah Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Lambar 50

dagaal-696x522Marka – Sida uu Idaacadda Shabelle uga warbixiyay Guddoomiyaha deegaanka Lambar 50 Cabdullaahi Waafow dagaal culus ayaa xalay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al Shabaab uu ku dhexmaray Duleedka Deegaankaasi.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu ku bilowday weerar ay la kowsadeen Dagaalamayaal Hubeysan oo iyagu ka tirsan Al Shabaab kuwaaas  oo  ku sugan duleedka Lambar 50.

Waxaana Waafow uu carabka ku adkeeyay in Al Shabaab weerarka Khasaaro xoog leh ay ku gaarsiiyeen ayna  uga dileen 11 Dagaalyahan oo Saraakiil ay ka mid yihiin.

Dhinacooda Al Shabaab Masuuliyiin ka tirsan oo Warbaahinta taageerta Xarakada la hadlay ayaa waxa ay ku nuux nuuxsadeen in illaa 12 Askari ay dagaalkaas uga dileen Ciidamada dowladda ayna Gaadiid dagaal uga gubeen.

Ma jiro ilo Madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac oo midba kan kale uu ku sheegya in khasaaro uu ku gaarsiiyay.

– Shabelle Media Network

Leave a Reply