Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday Aa Bog Ka Furtay Twitter-ka

xasan-sheikhMuqdisho – War laga soo diray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho aa wuxuu sheegayaa in Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday ee Soomaaliya (Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte) uu Barta Bulshada ee Twitter-ka uu kusoo biiray, isagoo halkaasi ka wado Ololaha Doorashada ee Madaxweynenimada Soomaaliya.

10-kii Sebtember, sanadkii 2012-dii ayey aheyd markii Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna markaasi uu hogaamiye u ahaa Urur loogu magacdaray ‘DAMM-JADIID: THE ORGANIZATION OF THE NEW BLOOD’.

Ururka ‘DAMM-JADIID’ waa urur ay isku baheysteen dhamaan kuwii sida aadka ah ula soo shaqeytsay isla markaana sida aadka ah u taageersanaa Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre; waxeyna markaasi Murashax ka dhigteen Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte, si markaasi dib loogu soo celiyo Siyaasadii Kelitalisnimada aheyd ee uu Dalka Soomaaliya ku hogaamin jiray Diktatoore Jeneraal Maxamed Siyaad Barre mudada 21-ka sano, 3-da bilood iyo 5-ta maalmood.

Cadeymaha ilaa iyo haatan la hayo waxaa kamid ah: Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte oo booqanayo ‘Xawaalihii Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre’, iyo Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte oo ‘Aas Qaran’ u sameynayo Kalkaaliyehii Kelitaliyaha Jeneraal Maxamed Cali Samatar halka dadkii ay laayeen uu Xasan Shiikh u muujinayo iney sax ku ahaayeen.

Wixii war ee soo kordho, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne.

Leave a Reply