C/fataax Xasan Afrax Oo Ka Hadlay Duqeyntii Dowlada Mareykanka Ee Maamulka Galmudug

cabdi-fatax-xasan-afraxBaladweyne – ARRIN U BAAHAN IN DHAMAAN SOOMAIWEYN UU KA QANCIYO DALKA MAREYKANKU.

Waxaan marka hore ka tacsiyeeynayaa dhamaan intii ku geeriyootay Dhacdadii aadka u xanuunka badneed ee ka dhalatay weerarkii xagga cirka ahaa ay fuliyeen Ciidanka Maraykanku, waxaan leeyahay samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo Dhamaanteen ayagana Jannadii Firdowso Alle ha ka waraabiyo intii ay wax yeelana ka soo gaartayne Alle si dag-dag ah ha noogu soo caafiyo.

Tacsida ka dib waxaan Af buuxa ku leeyahay: “Waxaan u baahanahay in Dalka Mareykanku si waafi ah nooga qanciyaan Dhacdadaas sababtoo ah waxaan qabnaa tuhumo badan oo ku saabsan Qaabka iyo waxa sababay in Dhacadani timaado”.

Dalka Maraykanka oo ah Dal aan Saaxiibo nahay oo in badan na garab taagnaa haddana na garab taagan annane aan u hayno Abaalkaas Maalin maalmaha ka midana aan u gudi doono kuna sharfi doono saa waxaan nahay Ummad Abaal loo galo loona gudi karo.

sidaa darteed waxaan mar labaad u baahanahay in Arintaas laga bixiyo wax aan ku qanci karno.

ugu danbeyn waxaan maqleynaa in si hordhac ah ay Dowladda Mareykanku u sheegtay in Xog Qaldan la siiyay taasina waxey ugu horeeysaa waxa aan dooneyno in nalaga qanciyo si aan u ogaano looguna ciqaabo cidda bixisay Xogtaa qaldaneed ee sababtay in ay dhacaan waxan aadka u foosha xun si aysan mar kale u dhicin.

Mahadsanidiin.

Guddomiyihii hore Ee Gobalka Hiiraan

 Abdifatah Hassan Afrah
B/weyne – Soomaaliya

Leave a Reply