Madaxweyne Siilaanyo oo Wakiil Ku-xigeen Cusub u Magacaabay Xafiiska Somaliland Ee Kenya

siciid-afqarshe1-300x300Hargeysa –  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa Magacaabay Wakiil ku-xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

Danjire Siciid Maxamed Daahir Afqarshe,ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay in uu ahaado wakiil ku-xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.
Digreeto Madaxweyne Axmed Siilaanyo soo saaray oo uu ku magacaabay Danjire ku-xigeenka dalka Kenya u fadhiya Somaliland ayaa u dhignayd sidan
“Xeer Madaxweyne Lr: 0705/092016
Magacaabis
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Markuu Arkay: Qodbka 90aad, Farqadiisa 3aad, Xarafka (R) ee Dastuurka Somaliland.
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyada Wakiil Ku-xigeenada Somaliland u fadhiya dalalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada wakiil ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiya Dalka Kenya;
Markuu ka fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Siciid Maxamed Daahir (Af-qarshe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiil ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).”

– Somaliland.org/Hargeysa

Leave a Reply