Maxaa adkeeyey maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Xil. Avv. Dahir Hassan Abdi
Tuesday, September 6, 2016

Burburkii dowladii dhexe ee 1991 ka dib iyo colaadihii ka dambeeyey waxaa laga dhaxlay nidaam federal ah iyo dastuur ku meelgaar ah. Nidaamka federallka ah ummada Soomaaliyeed inteeda badan ma fahamsana, in badanoo ka mid ahna ma qabaan in uu ka shaqeynayo Soomaaliya. Dhinaca kale, Dastuurka ku meel gaarkaahi wuxuu qodoba dhowr ah ku cadeeyey qaabka ay u sameysmayaan maamulada ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa sameeysmay maamul goboleedyo qaarkood ay ka horeeyeen intaan la sameyn dastuurka ku meel gaarka sida Puntland iyo Somaliland oo iyadu tiri Soomaaliya waan ka go’ay; intooda badanse ay sameysmeen ka dib markii la qaatay dastuurka ku meel gaarka ah sida Jubbaland, Koofur Galabeed iyo Galmudug; iyadoo qaar kalana wali la ciirciirayaan sidii ay iyaguna u noqon lahaayeen maamul sida Banaadir, Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe. Qoraalkan waxaan diirada ku saari doonaa Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe; inagoo wax badan ka soo xigan doono qaab dhismeedkii iyo sidey ku yimaadeen maamulada kale ee hada jira, iyo habraaci dastuuriga ahaa ee loo maray ama aan loo marin dhismahooda.

Waxaa la wada ogsoon yahay in Hiiraan ay ka mid tahay 8dii gobol ee ugu horeeyey Soomaaliya iyo in gobol kastaa noqday laba iyo ka badan halka Hiiraan ay wali kaligeed taagantahay; iyadoo isla markaana la dhihi karo maamulada hadda jiraa waxey ku saleysan yihiin shan ka mid ah  sideedii gobol ee u horeysay Soomaaliya. Waxaa iyana xaqiiqa ah in Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu dikereeto ku soo saaray in Hiiraan ay tahay laba gobol. Sidaa daraadeed, caqabadda ugu weyn waxey ka taagan tahay reer Hiiraan oo tirsanaya cadaalad darro iyo in loola dhaqmay si ka gedisan hab raacii ay ku dhismeen maamulada hada jira iyo in sida ay u dhan yihiin aan la raacin sida uu qabo dastuurka ku meelgaarka ah.

Hadii aan ka hadlo dhinaca sharciga anoo xusaayo Qod. 48 ee Dastuurka ku meel gaarka ah faqradiisa 2aad waxey si qayaxan uga hadleysa gobol haduu doono in waqti la siiyo oo uu ku tashado, kana tashado meesha uu rabo in uu ku biro, amaba ay jiraan arrima kale, in uu xaq u leeyahay in uu Gobolkaas hoos tago muddo laba sano ah maamulka Dowladda dhexe, taaso qaar ka mid ah Xildhibaanada Gobolka Hiiraan u qoreen Dowlada iyagoo ka codsaday in xaqa ay leeyihiin la tixgeliyo loona ogolaado in ay laba sano hoos tagaan Dowlada dhexe, codsigoodiina aan laga ogolaan loogana soo jawaabin.

Hadii aad fiirisaan Qod. 49 ee dastuurka ku meelgaarka faqradiisa 5aad waxey ka hadleysa Gobollada saldhigga looga dhigaayo federaalka waxey ahaan doonaan kuwi jiray 1991kii micnaheeda waxey tahay kuwii xaqdarrada ay ku dhacday ee iyagoo ka doodaya xaqdarradaas dagaalkii sokeeye uu ku dhacay meeshi la sixi lahaa xaqdarradaas in laga gudbo oo la iska indha tiro dastuurkiina saas lagu qoro ayaa mar labaad ah dambi laga galay shicibka reer Hiiraan.

Cid magacooda ku hadleysay, xaqooda tilmaameysay guddigii dastuurkana u tilmaami laheyd sixidda xaqdarradaas meesha ma joogin, lamana dhihin Gobolka Hiiraan cid matasha oo codkooda ku hadasha ha ku soo darsadaan qubarada ka doodeysay dhismaha, qorista iyo ansixinta Dastuurka, meesha Beelaha dega Gobollada kale oo dhan loo metelaayey iyagoo uusan xaq ka maqneyn.

Markii Dastuurka la horgeeyay odayaashi loogu geeyay in ay ansixiyaan waxey cadeeyeen in dastuurkaan uu Gobolka Hiiraan ku dulman yahay loona baahan yahay in xaqooda maqan lagu xuso weyna ku qoreen warbixintaas.

Hadii aad fiiriso Qod. 49aad ee Dastuurka ku meel gaarka Faqradiisa 6aad wuxuu leeyahay ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa midoobi kara, qodobkaas waa la jebiyay oo dowladii la rabay in ay ilaaliso sharciga iyo dastuurka ayaa jebisay markii ay dhistay dowlad Goboleedka Galmudug oo ka kooban hal Gobol iyo bar Galgaduud iyo Mudug oo nus ah oo ayna isla iyada ansixisay, maantana ay miiska madasha ku fadhiyaan iyagoo ka kooban Gobol iyo Bar, sidaasna ay ku jebisay dastuurka, markaas ayey isla dowladii dastuurka jebisay leedahay waa in qasab la isugu daro labada Gobol ee Hiiraan iyo shabeelada dhexe.

Isla Qod. 49aad iyo isla Farq 6aad hadii aad fiirisaan waxey leedahay ha isugu biiraan iyagoo xor u ah go’aankooda, taas oo micnaheeda uu yahay si qasab ah leyskuguma dari karo ee waa in loo madax banaaneeyaa Go’aankooda, hadii aan sii macneeyo waxey xitaa tahay in ay ku biiri karaan gobolka ay iyaga doonayaan ee ma aha in ay dowlada isku qasabto laba gobol aan is rabin, amaba ay go’aansan karaan in ay laba sano maamul ahaan hoos tagaan Dowladda dhexe.

Hadii aad dib u raacdaan taariikhda gobollada ilaa iyo hadda isu tagay ma jiro mid raacay ama ku dhismay siduu Dastuurka qabo.

Sidaas daraadeed ayaan waxaan u soo jeedinayaa caalamka iyo inta nabadda jecel in ayagoo xuquuqda bulshaweynta reer hiiraan, Ugaasyada, Wabarrada iyo dhamaan salaadiinta beelaha Gobolka Hiiraan ilaalinaya ay maqlaan cabashada reer Hiiraan oo aanan lagu deg-degin maamul gacan-ku rimis ah iyadoo la adeegsanaa dad dano gaar ah sita. Taas waxey keeni kartaa cawaaqib xumo iyo colaado hor leh in laga dhex abuuro ummadda labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Xil. Avv. Dahir Hassan Abdi
Dahirhabdi2@yahoo.com

Leave a Reply